|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Ololihii Dhaqaalo Aruurinta Masaajidka Jaamaca Baydhabo Oo Laga Bilaabay Ingriiska BDM-UK13/06/2010
Ololahaan dhaqaalaha loogu aruurinayo masjidka weyn ee jaamaca Baydhabo ayaa waxaa lagaarsiiyay dalka Boqortooyada Ingriiska Soomaalida kudhaqan. Dadaal dheer iyo wada tashi balaaran kadib waxaa la isku raacey in dalka Ingriiska gaar ahaan uu soomaalida halkaasi kunool wacyi gelin balaaran usameeyo Ingineer, Saalah sheikh Osman oo ah qof magic iyo ixtiraam ku dhax leh aduunka oo dhan.
Soomaalida ku dhaqan Dalka Ingriiska Guud ahaanteeda iyo muslimiinta gacan ka geysaneysa dhismaha masaajidka Jaamaca Baydhabo waxaa lagu wargelinayaa in Ing. Saalah uu yahay wakiilka guud ee dalkaasi asagoo lagala tashan karo lagala xiriiri karo arimaha masjidka jaamaca Baydhabo oo xiligaan dhaqaalo lagu dhiso loo raadinayo.
Madaxa Xafiiska Baidoanews Jaamac Maxamed Cabdullahi oo Birmingham kunool ayaa wuxuu kusoo waramayaa in Gabdhaha Digilmirifle aywadaan dadaalo xoogan oo ay doonayaan inay si weyn gacan muuqata ugu geystaan dhismaha masjidkaasi Jaamaca Baydhab, waxaana Inj Saalax Ugu baaqay dhamaan muslimiinta kunool UK Inay wax u hor marsadaan Nafsadooda, Aakhiro isla markaana sare loo qaado dhisida iyo qurxinta Guriga Alle.
waxaad kala xiriir kartaa Ingineer Saalax Sheekh Cusmaan taleefoonka ah +44-7983868274
BDM-Media Office. UK |