Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle


 

 

 

 

 

 

 

Sida Salaada Loo Tukadao

C/raxmaan Sheikh Dhaayow

Walaalayaal  waxaan rabaa in aan halkan idiin kusoo gudbiyo  sunanu salaati   waxaana loo yaqaanaa  hay-aatu salaati   caawana waxaan idiin  soo gudbin haya-aatu salaati oo kamid ah sunanta ay leedahay salaadu    

Maxaa laga wadaa hay-aatu salaati maxay tahay hay-aatu salaati ?

Walaal sunooyinka salaada waa labo qaybood qayb afka laga sheego (dhaho,yiraahdo) iyo qayb ficil (fal) ahaan loo sameeyo kuwa fal-ahaanta loo sameeyo waxaa lagu magacaabaa hay-aatu salaati

Waa maxay macnaha ayleedahay kalimada (erayga) hay-aad ?

Walaal hay-aat waa erayga hay-ad oo labadiyay  macnaha hay-ad waxaa lagu fasiri karaa sida-tan qaababka (hababka )loo tukanaayo salaada  qofka marka uu salaada ku jiro qaabka (habka) uu u istaagaayo

marka uu salaada galayo qaabka uu u qaadayo  ( taagayo )  gacamaha marka uu dhahayo (oranayo) allaahu akbarta salaada lagu galo (xidho) qaabka uu u fadhiisanayo marka uu attaxiyaadsanayo iyo wixi ficil (fal) ah ee la samaynayo inta lagu gudo jiro salaada waxaa lagu magacaaba hay,aatu salaati ee walaal sida u ogow wax kale ha u qaadan

Meeqo(imisa) hay-aat (qaabab,,,habab ) bayledahay salaadu ?

 walaal salaadu waxay leedahay  13 sadex iyo toban hay-aat ama qaab (hab) waxaana kuugu soo gudbin insha-allahu qoraalkan hay-aatkii salada oo sawir wata si uu qofku aad ugu sii fahmo oo uusan ugu baahan  qof kale oo uu wax ka waydiiyo hay-aatka salaada waxaana sawirka soo raacin markaan ka hadlayo mid walba qaabka saxda ah iyo qaabka khaladka ah ee ay dadku sameeyaan 

NB; sawirkana waxaan kasoo qaatay sawir loo ban dhigay sheakh cabdalla binu cabdiraxman al- jibriin raxima hullaahu oo ka mid ahaan jiray culumada ugu waa wayn sucuudiga oo mar dhawayd geeriyooday wuxuuna sheakhu  dhahay sawiradan waa sax waxayna waa faqsan yihiin sunadii rasuulka scw waana in  la faafiyaa si ay dadka ooga faa-idaystaan ana waxaan usoo gudbin walaalahayga somaliyeed si ay ooga faaidaystaan walaal khayrka gaarsii adna walaalahaaga  ee ha is ag dhigin

1 hay,ada (qaabka) kobaad ee ayleedahay salaadu waa in aad kor u qaada labadada kacmood marka aad salaada xidhanaysid (galaysid) ee aad leedahay allahu akbar gacmo kor u qaadida iyo takbiirtu (allahu akbartu ) waa in ay isla socdaan  faraha ay leeyihiin labadada kacmood  wa in aad isku dhajisaa markaad kor u qaadayso oo ayagoo isku dhagan aad kor u qaada  rasuulka scw waxaa laga soo wariyay labo qaab (hab) in uu u qaadi jiray gacmaha  waxaana kasoo wariyay sidaa rasuulka scw ibnucumar

Wuxuu yiri ibnu cumar rasuulka scw (markuu salada galayo (xidhanayo) wuxu kor u qadi jiray labadiisa gacmood wuxuuna  la simi jiray  garbihiisa)  waana sedan ku cad sawirkan ee walaal fiirso uu ku dayo si aad u asiibto sunada

wa kana sawirkii    

marka walaal ku dayo oo samee

Qaabka labaad ee uu rasuulku scw u qaadi jiray gacmaha markuu salada galayo  waxaa rasuulka scw kasoo  wariyay maalk  

Maalig wuxu yiri ( rasuulka scw marka uu salaada galo ee uu dhaho allahu akbar wuxuu kor u qaadi jiray labada gacmood wuxuuna la simi jiray dhagihiisa) waxaa wariyay muslim  qaabkii oo sawirna waa sida tan ee walaal fiiri kuna dayo una qaad qabkan ama kii hore midkaad doonto

 waa kanaa sawirkii qaabkii labaad 

marka walaal ku dayo sawirka

 2) hay-ada labaad waa in aad kacmaha kor u qaada marka aad rabto in aad rukuucdo  waxaadna u qaadi labadii qaab (hab) aan ku soo shegay hay-ada koobad  sawirkoodana waan  kuu  soo hor miriyay  markaad dhahaysid allahu akbar ee aad u socotid rukuucda waa in aad sidaas oo kaleeto samaysaa

 3) hay-ada sadexaad ee ay leedahay salaadu waa in aad gacmaha kor u taagtaa marka aad kasoo kacdo rukuucda ee aad dhahayso samicalaahu liman xamida waxaadna u qaadi sidi aad u qaaday markii aad salada galaysay ama aad rukuucaysay oo wax farqi ah uma dhaxeeyo ee sawirkii hay-adi kobaad ku laabo waxaana daliil u ah xadiiskan laga wariyay ibnu cumar Wuxuu yiri ibnu cumar rasuulka scw (markuu salada galayo (xidhanayo) wuxu kor u qadi jiray labadiisa gacmood wuxuuna  la simi jiray  garbihiisa marka uu rukuuci rabo ee uu dhahayo allahu akbar wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa marka uu kasoo tooso rukuucda ee uu dhahayo samicallaahu liman xamida wuxuu kor u qaadi jiray kacmihiisa ) waxaa wariyay muslim

NB; waxaa  sunno ah in markaad rukuucaysid jilbaha hor dhigto dhulka ee aada gacmaha hor marin waana sida laga soo wariyay rasuulka scw

 

Wuxuu yiri  waa-il binu xujri  (waxaan arkay rasuulka scw oo markuu rabo in uu sujuudo ee uu sujuuda u socdo hor dhiga dhulka labadiisa lowyo (jilib)   inta uusan dhigin dhulka labadiisa gacmood )  waxaa wariyay ahlu sunan

 4 ) waxaa kale oo ka mid ah hay-aadka salaada in aad  dhigto xabadkaaga (laabtaada) dusheeda (korkeeda )  labadaada kacmood waxaana rasuulka swc kasoo wariyay sidaa waa-il binu xujri  waana kan daliilkii

Wuxuu rasuulku scw saari jiray labadiisa gacmood xabadkiisa (laabtiisa) dusheeda  waxaana wariyay ibnu khuzaymah al-banina wuu saxiixyelay

 5 ) waxaa kale oo ka mid ah hay-aadka salaada in aad dulsaarto gacantaada bidix xabadkaaga  kadibna aad dusha kasii saarto gacantaada midig gacantaada bidix waxaana rasuulka scw kasoo wariyay waa-il binu xijr Waxaa uu yiri waa-il binu xujri ( rasuulka scw ayaa xidhay saladii markaas kadib ayaa wuxuu saaray gacantiisa midig dhabarka calaa-casha gacantiisa  bidix iyo dhudhunka  iyo camaa cumaa cumaha  ) waxaa wariyay abuu dawuud

qaabka loo sarayo oo sawir ah oo labo nooc ah ayaan kusoo gudbin ee walaal midkii kuu fududaada samee labaduba waa suno rasuulka scw ka sugnaatay

sawirka qaabka kobaad

   

qaabkii labaadna  

 6)  waxaa kale oo kamid ah hay-aadka salaada inta aad ku jirto salaada in aad fiiriso meesha sujuudaada ama taagnoow ama fadhi ama rukuucsano waxayna taasi kuu keeni in aad ku khushuucdo salaadada  caaisho ayaa waxaa laga wariyay xadiiskan saxiixa  ah oo arintaas tilmaamaya

Caaisha waxay tiri markii ay ka sheekaynaysay salaadii rasuulka scw rasuulka scw aragiisa muusan ka leexin jirin meesha sujuudiisa inta uu salaada ku jiro waxaa wariyay bayhaqi waxaana saxiixyeelay sheakh al-abaani   

 7 ) waxaa kale oo kamid ah hay-aadka salaada in uu qofku kala fogeeyo cirbihiisa  marka uu salaada u  taagan yahay,,  waxaan  banaanay  in uu isku dhajiyo cirbihiisa ee waa in uu u kala fogeeyaa sida ay  sunada rasuulka scw ay ahan jirtay  sida uu u taagan yahay ninka sawirka  bal fiiri

NB; lama ogola in aad aad u kala fogayso ee si meel dhaxaad ah ayaa fican

 

 

 8 )waxaa kale oo ka mid ah hay-aadka salaada in uu qofku ku qabto labadiisa gacmood labadiisa jilib marka uu rukuucsan yahay farahana waa in uu kala bixiyaa ee waa in uusan faraha isku dhajin   faraha laga hadlayo waa kuwa gacmaha dhabarkiisana waa in uu fidiyaa madixiisana waa in uu yeela hortiisa waana in uusan madaxa hoos u foorarin korna uusan u qaadin 

walaal fiiri labadan sawir una rukuuc sida  labadan sawir sida aya sax ah 

 faraha gacmaha  sida loo furayo fiiri  

waxaa khalad ah in uu qofku u rukuuco sida ku cad labadan sawir ee hoose

ha foorarin madaxa  korna ha u taagin maxada

 9 ) waxaa kale oo kamid ah hay-aadka salaada in uu qofku xubnaha laga sujuudo ee todobada ah  ku dhajiya (makan siiya ) dhulka wana kuwan 1 wajiga iyo sanka oo wada socda  2-3 Labada gacmood 4-5 iyo labada jilib 6-7 labada lugood farahooda waxaana ku imaaday xadiis saxiix ah

NB markaad kasoo toosto rukuucda hasamayn sidan ku cad sawirnkan

gacmaha siidaa  ama xabadka saaro  sida sawirkan waa khalad

10 waxaa kale oo kamid ah hay-aadka salaada markuu qofku sujuudsan yahay in uu ka fogeeyo murqihiisa dhinacyadiisa waxaana daliil u ah xadiiskan  

( Rasuulka scw wuu sujuudi jiray ilaa laga arko cadaanta kilkishiisa )

calooshiisana in uu ka fogeeyo bowdadiisa (cinjirkiisa) labadiisa dhudhuna in uu ka fogeeyo bowdadiisa labadiisa jilibna in uu kala fogeeyo labada ciribna in uu kor u taago cirbaha farahoodana caloshodana in uu dhulka ku dhajiyo ayagoo kala baxsan  waana in uu qiblada u jeedida sida ku cad sawirkan 

 waa faraha ay leeyihiin labada lugood fiir farihiisa

cirbahana waa in uu isku  dhajiyaa sida ku cad sawirka

waxaana daliil u ah xadiiskan laga wariyay rasuulka scw

 (Rasuulka scw wuxuu isku dhawayn jiray (dhajin jiray) labadiisa cirbood marka u sujuudsan yahay )  waxaa wariyay ibnu khuzaymah al-banina wuu saxiixyelay

labadiisa gacmoodna waa in uu dhigaa garbihiisa la simankooda faruhuna isku dhowyihiin (isku dhagan yihiin)  waana kan sawiradii sida loo sujuudayo 

    

sidan waa khalad 

 11)  waxaa kale oo kamid ah hay-aadka salaada qofka marka uu fadhiisanaayo inta u dhaxaysa labada sujuud in uu gogladaa lugta bidix oo uu ku fadhiisto mida midigna in uu taagaa marku attaxiyaadka dhexe fadhiisanaayana waa in uu sidaas oo kaleeto u fadhiistaa

waana sidan sawiran

laakiin labadan qaab waa khalad ee ha u fadhiisan walaal waa khalad sidan

 

 

 laakiin ataxiyaadka danbe wuxuu u fadhiisan si  ka duwan sida loo fadhiisanayo midka dhexe taas oo ah in uu ku  fadhiista sintiisa bidix   lugta midina in uu taago,, lugta bidixna in uu ka hoos bixiy lugta midig  waana sida ku cad sawirkan ee walaal u fiirso kuna dayo sawirka waana kan sawirkii 

 

12 waxaa kale oo ka mid ah hay,aadka salaada in  uu qofku saaro gacmihiisa bowdadiisa marka uu  fadhiisto inta u dhaxaysaa labada sujuud  wuxuuna u saari sida ku cad sawiradan

iyo sida tan

 

 wana in uu fidiyaa farihisiisa   waxaa kale oo laga rabaa qofka marka uu u fadhiisto attaxiyaadka in uu saaro labadiisa gacmood bowadadiisa   laakin faraha gacanta bidix waa in uu fidiyaa faraha gacanta midigna waa in uu isku qabta faryarada iyo faadumada ,,fardhexada  iyo suulkana waa in uu ka dhigaa sidi goobaanin wareeg farmurugsatadana waa in uu fidiyaa sida ku cad sawiradan 

ufiirso walaal sawirka

13 waxaa kale oo ka mid ah hay,aadka salaada markaad  ka  baxayso salaada ee aad salaamo naqsanaysid ee aad dhahaysid assalaamu calaykum in aad u jeedsatid dhinacaaga mid iyo dhinacaaga bidix  waana markaad dhahaysid assllaamu calaykum waraxmatulaahi  wabarakaatuh

walaal waxaa intaas iiga dhan hayaadkii salaada oo wata sawiro  walaal  ha iga halmaamin ducada una ducee waalidkay iyo waalid muslim oo dhan wadankeenana usoo ducee wlaal in uu alle dajiyo   wabilaahi towfiiq

 

 

 


 

 

barashada sida salaado loo tugado


Anaashiit:

 

www.Bdigilmirifle.com