|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Shir Ay Ku Wada Arinsanayaan Qowmiyadda DigilMirifle ee UK Dhameystirka Maamulkooda Cusbaa
4/05/2010 BDM Media: UK
Waxaa shaley magaalada London shir ku yeeshey gudi isku dhaf ah oo ka koobanaa Qowmiyadda DigilMirifle, gudigaasoo isla falanqeeyey habkii loo dhisi lahaa maamulkii uu gudoomiyaha jaaliyada DM lagu doortey taariikhdu markey aheyd 06/03/2010 laguna caleemo saarey 03/04/2010. Maamulkaas oo hoos imaan doono gudoomiye Ing: Sayed Ali Sheekh Mohamed. Waxaa si weyn loogu munaaqishoodey qaab dhismeed maamulka,tirada xubnaha iyo hawsha loogu fadhiyo maamulkaas in uu fuliyo mudada loo qabtey. Waxaa hakaas lagu go`aamiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo bandhigi doono mediyaha maamulkaas lagu dhawaaqi doono mudo aan ka badneyn laba sitimaan.
Waxaa la isku af gartey in si wada jir ah loo soo dhiso maamulka xibnihiisa harsan, laguna soo dhiso in ka yar mudo laba isbuuc ah, ka dibna lagu shaaciyo idaacadaha iyo wargeysyada iyo shabakadaha internet-ka.
Waxaa kaloo halkaas si wadajir ah la isugu af gartey in laba odey oo marjic ah la yeesho oo ay ahaadaan kuwii xalin lahaa hadii uu khilaaf dad soo dhex galo, gudiga kulankan isugu yimid ayaa waxa uu ka koobnaa
1 Eng. Sayed Ali Sheekh Mohamed 2 Mohamed Noor Sheekh Abdulahi 3 Abdullah Sh. Osman 4 Mohamed Abdullahi (malaq) 5 Mohamud Ahmed (Daleb) 6 Mohamud Hussein ? Aliyow 7 Hassan Osman 8 Suhdaan Osman Sh. Cali 9 Salah Sheikh Osman 10 Aden Moalim Ali 11 Ibrahim Sayid Ahmed Ahmed 12 Madey Sheikh 13Maxamed Mustafa Cali 14 isaaq Aden Hassan 15 Hussein A Hussein 16 Yaquub Sheikh Isaaq 17 Abdirashid haji Mohamed 18 Dr. Abdirahman Sheikh Ibrahim 19 Abasheikh Abdullahi
Waxaa kaloo jiri dooma kulamo is daba jog ah oo lagu dar-dar gelinaayo maamulka cusub iyo wax qabadkiisa, kulamadan wixii ka soo baxana waxaa lagu shaacin doonaa Wargeysyada.
BDM-Media UK Office |