Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Goobaha caafimaad ee magaalada Baydhabo oo jiifa dad u badan caruur cuduro kala duwan qaba.


 

15/04/08 Baydhabo-BDM Media:

Goobaha caafimaad ee magaalada Baydhabo ayaa laga soo waramayaa in Caruur da'dooda ka hoseyso 5 jir oo la il daran cuduro kala duwan oo ku soo badanaya isbitalka magaalada Baydhabo.  

Isbitaalka Weyn ee Baydhabo, iyo xarunta lagu daaweeyo dadka qaba Cudurka TB-da ayaa maanta booqasho ay ku tagtay Baidoanews waxay kula soo kulantay hooyooyin caruurtooda ka xaruunsan oo qaarkood ka yimid miiga magaalada.

Dadka aan kula soo kulanay maata isbitaalka weyn ee gobolka Baay ayaa waxaa u badnaa caruur da,dooda ka hooseeysa 5 jir oo la il daran cuduro kala duwan kuwaasoo kuu ku jirey wiil ku dhashay asagoo korkiisa go,go,an.

waxaana guud ahaan ddkii aan kusoo booqanay isbitaalka ugu darnaa wiil yar jirka ka go'go'an iyo maama 50 jir ah oo aad u xanuunsaneyd walow ay jireen caruur kuwa ku jira xerooyinka qaxootiga oo ka cabanay xaalad nolol xumo oo hadana caruurtooda ka xanuun sadey halkii ay raadsan lahaayeen nolol maal meed.

Hadaba xaaladahaan ay ku suganyihiin caruurtaan iyo canuunsan iyo waalidiin dhibaateysan Ilaahay ka sokow cida ay wax ka sugayaan waa walaalahooda jaaliyadaha dibata ku nool waxaana is weydiin mudan kumanaanka Digilmirifle ee dibada ku nool mara ay arkaan sawiradaan maxay dareemi doonaan maxaa la gudboon oo ay walaalahooda ku caawin karaan.

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com