|
Jaaliyada DM -UK & Dowlada
Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Sidii Loo Dhisi Lahaa Maamul Goboleedka Koonfur
Galbeed.
UK. BDM-Media
15/04/2010
Jaaliyada DM -UK & Dowlada Talyaaniga Oo Ka
Wada Hadlay Sidii Loo Dhisi Lahaa Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed
Prof. Salah Shek Osman kana socdey Jariyadda DigilMirifle ee UK . ahna la
taliyaha Arimaha Federalka ayaa dhowaan wuxuuu howlo shaqo ku imaaday dalka
itaaliya asagoo gaarey guulo muhiim ah.
Prof. Salah
Shek Osman iyo dawlada Taliyaniga waxey ka wada hadleen sidii Soomaaliya
Nabad loogu Soo dabaali lahaa, isla markaana loo gacan qaban lahaa Gobolada
Kufureed oo mudo 40 sanno dhibatooyin kala duwan soo mareen.
Arimaha ugu muhiim sanaa oo Prof.
Salah iyo Talyaaniga ka wada hadlay ayaa
waxaa ugu muhiim sanaa sidii ay dowlada talyaaniga gacan adag ugu geysan la
heyd maamul goboleedka lagu wado in laga hirgeliyo Koonfur galbeed
Soomaaliya. inay dowlada talyaaniga si dhab ah taageeradeeda loogu dareemo
goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhiska deegaanada Kooonfur
galbeed Soomaaliya.
Waxaa kaloo prof: Salah Shir la soo qaley Dr.Hassan Adan oo ah khabiir ku
xeel dheer arimaha federdaalka ahna qof u dooda xuquuqda Umadda degan
Gobolada Koofureed.
Prof. Salah Wuxuu kaloo sheegey in dhawaan Guddi Heer Sare ah u amba bixi
doonaan Beljamka magaalo madaxdiisa Buruksel ahna fadhiga baarlamaanka Yurub,
si ay Dawlaha reer Yurub ugu soo ban dhigaan Qadiyadda Umadda DigilMirifle
iyo maamul u sameyta Gobolada koofureed.
Dowladda Italy waxay balan qaaday in ay casuumaad heer sare u fidin doonto
mas’uuliyiinta qowmiyadda DigilMirifle si ay u dar-dar geliso wax qabadkeeda
ku aadan qowmiyadda DigilMirifle iyo deegaanada ay degaan, ayna gacan weyn
ka geysan doonto maamul u sameynteeda iyo adeegeeda bulshada intaba.
BDM-Media UK
jama506@live.co.uk |