|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Baidoa Human Rights Watch oo ugu baaqday wada
noolaasho beelaha Qansaxdheere Iyo Diinsoor
BDM: 17-03-2010 ![]() Hay,ada udooda xuquuqda Aadanaha Baidoa Human Rights Watch ayaa maanta baaq ay soo saartay waxay nabad ugu baaqday iyo wada noolaasho beelaha Qansaxdheere Iyo Diinsoor. Hay,ada ayaa waxay ugu baaqday waxgaradka iyo odoyaasha laba dhinac inay u guntadaan walaalaha is haya oo xal waara laga soo gaaro dagaalkii ka dhacay tuulada Huubey oo u dhaxeysa Tugeer hoosle iyo Degmada Diinsoor. Baidoa Human Raights Watch, ayaa sidoo akle waxay ugu baaqeysaa maamulka al shabaab ee diinsoor inay soo daayaan malaaqyadii deenka oo ay xabsiga dhigeen , isla markaana ay odoyaasha dib ugu laabtaan goobtii falka dilka ah ka dhacay si loo helo maslaxa waarta. Abowasharow BDM-Media |