Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Jaaliyada Digilmirifle wadanka America oo baaq fariin digniino wato ay u dirtay Dowladda KMG Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.


 

18/04/08 Minnesota-BDM Media: 

Jaaliyada Digilmirifle wadanka America gaar ahaan Minnesota ayaa markii ugu horeysa waxay baaq fariin digniino wato ay u dirtay Dowladda KMG Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Gudoomiyaha KMG Jaaliyadaasi Haamud Ibraahim Cali (Yaayuurow) oo BDM media  xiriir lasoo sameeyay ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay qaabka ay masuuliyiinta dowladda ku jira qaarkood ay u fekerayaa.

 

Haamud wuxuu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maalin kasta idaacadaha shaqsiyaadka danaha gaarka ah ukeensaday muqdisho lagu yiraahdo Gudoomiyaha Baarlamaanka wuu dhacay iyo wax lamid ah, waayo wuxuu ku joogaa buu yiri booska uu joogo Magac Qowmiyadeed.

4.5 oo si qaldan loo isticmaalay ayuu ku joogaa buu yiri meeshaasi cidna wax kama qaadi karto haduu uu dhaco madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha way dhacayaan, Haamud oo caro ka muuqatay ayuu yiri waxaaba dood ka qabnaa xilka aad siiseen oo ah guddoomiye nimada.

Qowmiyadaha nagama dhul weyn nagama nasab fiican, nagama badan maxay tahay buu yiri waxa markasta la noo siiyo guddoomiye baarlamaan oo qaleel ah, waxaan rabnaa Madaxweyne ama Raiisul wasaare ayuu yiri.

 

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com