|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Dadkii kasoo cararey dagaalada Magaalada Muqdisho oo soo gaarey bilihii ugu dambeeyay Magaalada Baydhabo ayaa ka sheeganaya dhibaatooyin badan.
19/04/08 Baydhabo-BDM Media: Dadkii kasoo cararey dagaalada Magaalada Muqdisho oo soo gaarey bilihii ugu dambeeyay Magaalada Baydhabo ayaa ka sheeganaya dhibaatooyin badan . Dadkaan oo ahaa kuwo degenaa magaalada Muqdisho isla markaana siyaaabo kala gedisan halkaasi ugu shaqeysanayay ayaa waxaa lasoo gudbootay dhibaatooyin nolosha la xiriira. Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da,ay magaalada Baydhabo ayaa saameyn weyn ku yeeshay dadkaasi ayadoo qaar kamid ah guryihii ay degenaayeen roobabka dudumiyey guryihii aqalada ahaa ee ay sameysteena gudaha ugaleen Biyo daaadad ah. Saaka mar,aan booqasho ku gaarnay xerooyinka ay dadkaasi dhibaataysan ku jiraan ayaa waxaan halkaasi kula soo kulanay Hooyooyin ka cabanaya Xaalada ay ahda ku sugan yihiin waxay sheegeen inay heestaan Nabad geliyo wanaagsan laakiin aysan jirin shaqo iyo gargaar. Hay,ada ICRC oo ka howl gasha goboladaasi iyo jaaliyadaha dibada ayaa waxay ka codsanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loola soo gaaro gargaar kala duwan sida mara kaneeco, Busto, Dhar, Raashiin Iyo Bacooyinka Aqalada Lagu daboolo.
BDM-Media Baydhabo |