Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 Golaha odayaasha, galaha aqoonyahada iyo mas uuliyiinta kaamamka oo ka hadley dhibaatooyinka haysta barakacayaasha Baydhabo


 

21/04/08 Baydhabo-BDM Media: 

iyada oo ay sii kordhayso dhibaatooyinka ay qabaan barakacayaasha xerooyinka magaalada baydhabo ku nool ayaa kulan balaaran waxaa isugu yimid golaha odayaasha galaha aqoonyahada iyo mas uuliyiinta kaamamka

kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka haysata baraka cayaasha ku nool magaalada baydhabo gaar ahaan kuwa 3 bil ee ugu danbeeyay soo gaararayay magaalada baydhabo

qaybaha kulanka ka qaybgalay ayaa ka hadlay waxay sheegeen in xiligii ugu adkaa ay marayaan barakacayaasha ku soo ququlaya magaaladamaadaama aysan haysan bayyiraahdeen hoy maacuun iyo cuno


malaaq malabow oo isagu kamid golaha odayaasha dhaqanka ayaa muujiyay in ay kormeer ku sameeyeen xerooyin badan oo dad barakacayaal ay ku nool yihiin kuwaasi oo uu sheegay in dhibaato bini aadan nimo ay haystaan wuxuu kaloo sheegay malaaq malabow in xerooyinka ay tageen gudiga malaaqyada ay ku soo arkeen buushash laga sameeyay baakooyin iyo marooyin duug ah oo aan celinaynin dhaxanta iyo dhibcaha roobka



nabadoon macalin aadan xaaji oo isaguna kamid ah odayaasha magaalada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordhayso dhibaatada ka jirta xerooyinka barakacayasha wuxuu kaloo xusay in dadka soo barakay ay u baahan yihiin gargaar aadanimo

nabadoon nuur samaan ayaa isaguna xusay in barakacayaasha xiligan ay la kulmayaan dhibaato adag oo dhinackasto ahxili roobab xiriir ah ay maalmihii ugu danbrryay ka da ayeen magaalada baydhabo nabadoonka wuxuu kaloo sheegay in ay muhiim tahay hay ada deeqda bixiya in ay kaalmo lasoo garaan dhibanayaashaas isaga ii waliba farta ku fiiqay hay ada ICRC oo ah hay,ada kaliya ee haatan ka shaqeysa hormarka iyo gargaarka

ugaas isaaq ibraahin oo isguna ah gudoomiyaha golaha odayaasha ayaa waxa uu soo hadal qaaday korarka barakacayaasha iyo sida ay u dayacan yihiin
ugaaska guud beelaha digil iyo mirifle wuxuu jaaliyada digil iyo mirifle ugu baaqay in ay saacidaan walaalahooda dhiban.



horjoogayaasha kaamamka magaalada bydhabo ayaa ka sheekeeyay dareenka ka jira xerooyinka magaalada baydhao ibraahin macalin axmed oo ah gudoomiyaha dalada duurow ayaa cadeeyay in dareen naxdin leh uu ka jiro kaamamka magaalada wuxuuna sheegay in dadka kaamamkaas ku nool ay u baahanyihiin daryeel dhinaca hoyga nadaafada maacuunta iyo cuno

sidoo kale gudoomiyaha dalada daryeel maxamed nuur sheeq ayaa isaga oo wajigiisa ay uu ka muuqday murugo wuxuu sheegay in 3dii bil ee ugu danbeeyay ay magaalada soo gaaree dad barkacayaal oo lagu qiyaasay 3500 qoys kuwaasi oo sii adkeeyay buu yiri xaaladihii ka jiray xerooyinka

aqoonyahanadii halkaadi ka hadlay qaxaa ka mid ahaa fowsi c/nuur oo ah afahayeenka aqoonyahada wuxuu yiri barakacayaasha ku nool ku nool magaalada baydhabo waa kuwa u muuqda in la xaqiray maxaa yeelay inta u dhaxeysa afgooye iyo ceelasha maalin walba gargaar ayaa la siiyaa maxaa loo arki la yahay kuwan

marka laysku soo wada duubo dhibaatooyinka ka jira xerooyinka waa min mudan in wax laga qabto

 

 

BDM-Media Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com