• Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

    Jaaliyada Digilmirifle dalka Sacudi Carabia oo warbixin kooban ka bixisey waxqabdkeedii Sedaxdii sano la soo dhaafey.


    23/05/08 Jeddah BDM Media:

    jaaliyada qowmiyada Digilmirifle ee cariga Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo madaxa la gashey sanadkii afaraad ayaa u dabaal dagaysa waxyaabihii u qaboomey waxaana lagu wadaa in  xaflad lagu soo bandhigayo waxyaabihii u qabsoomey tan iyo markii la aas aasey jaaliyada xiligii gudoomiyihii hore Awmaye Sheikh Eenow iyo gudoomiyaha hada shaqada haya ee Cumar Mursal Yaxye.

    Xoghayaha guud ee Jaaliyada Digilmirifle Sacudi Carabiaya Prof. Muxidiin Macalin Isaaq ayaa warbixin kooban siiyey Xafiiska wararka ee shabakada Bulsho-weynta Digilmirifle www.bdigilmirifle.com wuxuuna ka warbixiyey wax yaabaha u soo qabsoomey tan iyo markii la aas aasey jaaliyada Digilmirifle Sacudi Carabi iyo waxyaabaha ay u qorsheysan yihiin inay qabtaan waqtiyada soo socda hadii Alle idmo

    Prof. Muxidiin Xoghayaha jaaliyada Dm warbixintiisa waxa uu ku bilaabey labadii gudoomiye ee ugu dambeeyey ee ay yeelato jaaliyada Dm ee Sacuudiga oo la oran karo waa xiligii ugu shaqada iyo wax qabadka badneyd sida uu hadalka u dhigey.

    Wuxuuna xusey oona amaan u soo jeediyey   aqooyahanadii iyo shaqsiyaadkii Digilmirifle  oo wax tar ween muujiyey xiliyadii hore sida waqtigii SDM  iyo kii RRA oo dhamaantooda xubin ka ah jaaliada Digilmirifle ee dalka Sacudi Carabiya iyo kuwii ku soo biirey sedaxdii sano ugu dambeysey ee maamuladii ugu dambeeyey

    Jaaliyada DM markii la aas aasey mudo yar kadib waxay ergo u dirtey shirkii dhibu heshiisiinta beelaha Soomaaliya 15 July 2007 lagu qabtey magaalada Muqdisho ayadoo halkaasina ugu qeyb galey gudoomiyihii hore Md Abukaate Awmaye Sheikh Eenow.

     

    Safarkii gudoomiyihii hore ka dib waxaa  gudoomiye loo doortey Cumar Mursal Yaxya oo ahaa xiligaas gudoomiye kuxigeen ahna sii hayaha xilkii gudoomiyihii hore wixii xiligaas ka dambeeyey jaaliyada waxay guda gashey arimaha astaanta u ahaa ee ahaa in la helo jaaliyad mideysan oo loo wada dhanyahay oona ka shaqeysa midnimada qowmiyada Digilmirifle kuwa ku nool dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya taasi oo barbar socotey sidii la isugu xiri lahaa jaaliyadaha dibada iyo siyaasiyiinta iyo aqooyahanada ku dhaqan dalka gudihiisa si loo helo xaqa ka maqan qowmiyada Digilmirifle iyo si loo helo maamul goboleed oo mideysanyahay

     

     

    Jaaliyada DM Sacudiga waxay sameysteen website ku hadla magaca Qowmiyada Digilmirifle oo lagu magacaabo http://www.bdigilmirifle.com/ kaasoo ti toos ah u soo tabiya dhacdooyinka quseeya qowmiyada  sidoo kale durbadiiba waxay bilaabeen xiriiradoodi gudaha dalka Soomaaliya xiligaas oo golaha Aqooyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle ay wadeen mideynta dhamaan qowmiyada Digilmirifle taasina ay fursad u noqotey jaaliyada inay helaan dad isku fikir ah ayna la garab istaageen taagyeero dhinaca dhaqaalaha ah. 

    prof. Muxidiin ayaa warbixintiisa ku sheegey sawabta loo dhisey jaaliyada inay ahayd ka warqabka iyo isku xirka bulshoweynta ku nool dalka Sacudi Carabiya iyo isku xirka dhamaan qowmiyad Digilmirile meelkasta oo ay aduunka ka joogaan dalka iyo dibada intaba wuxuuna xusey in jaaliyada dadaalkeeda ugu weynaa uu ahaa sidii loo heli lahaa maamul goboleed ay yeeshaan qowmiyada Digilmirifle.

     

    "Jaaliyada waxay qeyb mugle ka qaadatey qabsoomidii shirkii GSADM ay u qabteen odeyaasha dhaqanka Digilmirifle taagyeeradeenuna waxay u badneyt dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka" sidaasi waxaa yiri prof. Muxdiin asigoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi raaciyey "waxaa shirkaasi lagu doortey gudoomiye golaha malaaqyada Digilmirifle taasi oo aad u farxad gelisey dhamaan qowmiyada Digilmirifle  sidoo kale jaaliyada wax qabdkeeda waxaa ka mid ahaa  baaq mar walba ay u jeedin jireen aqooyahanada digilmirifle si loo helo maamul goboleedka Konfur galbeed iyo sii xoojinta midnimad bulshoweynta Digilmirifle".

    "waxqabadka gudaha waxaa ka mid ah jaaliyada qowmiyada Digilmirifle waa jaaliyada keliya oo maamul mideysan leh ka jirta dalka Sacuudiga marka loo eego qowmiyadaha kale sidookale jaaliyada waxay dhowr jeer isku howshey inay la helo jaaliyad mideysan oo matasha dhamaan bulshada soomaaliya ayadoo xiriiro badan la sameysey mas'uuliyiin sar sare sida Qunsulka dowlada TFG u fadhiya Magaalada jeddah.

    Kulan ay la qaateen jaaliyada DM qunsulka Somaliya wuxuu ku amaaney waxqabdkooda iyo howlaha ay wadaan asigoo sheegey  jaaliyada Dm waxa ay sameysey in ay haboontahay in lagu daydo

    Jaaliyada waxay xaflado iyo shirar la sameysey madax isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo ka tirsanaa dowlada DFG oo ka soo jeeda Qowmiyada Digilmirifle kuwaasoo loogu gollahaa sii wadista barnaamijka maamulgoboleedka Koonfur galbeed iyo midnimada Qowmiyada Digilmirifle

    Sidoo kale jaaliyada waxay magaalada jiddah ku soo dhaweysey aqooyahano u dhashey Qowmiyada Dm oo kula mowqif ahaa arimaha maamul-goboleedka iyo taabo-gelintiisa kuwaasoo ka kala yimi dalka Somaliya US iyo EU iyo Africa waqtiyo kala duwa" Sidaasi waxaa yiri xoghayaha jaaliyada Digilmirifle Sacudi carabia Prof. Muxidiin Macalin Isaaq.

     

     

     

    Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqey jaaliyada Digilmirfle Sacudi Carabia in mardhow la qaban doono xaflad lagu soo bandhigi doono waxqabadka jaaliyada ayadoo isla markaana ay ka soo qeyb   gali doonaan madax ka tirsan dowlada TFG oo xiligaan ku sugan dalka Sacudi Carabiya iyo kuwo mardhow imaan doona.

    ]BDM-Media
    wararka@bdigilmirifle.com

    www.Bdigilmirifle.com