|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gudoomiyaha Jaaliyada DM Ee dalka Ingriiska Ing:Sayed-Cali Sheekh Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii Qanyere
25/04/2010 BDM Media: UK Gudoomiyaha Jaaliyada DM Ee dalka Ingriiska Ing:Sayed-Cali Sheekh Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii shalay ka soo yeerey Maxamed Qanyere Afrax oo ka mid ah xildhibaanada Dowlada KMG Soomaaliya. Ing: Sayed-cali oo manta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa Dalka Ingriiska ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay hadalkii ka soo yeerey Maxamed Qanyare ee ahaa in aan meel wada fariisaneynin uusana na soo hor fariisan karin Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Ing: Sayed-cali wuxuu sheegay in Aadan Madoobe uu wax u yahay Koow Dadkiisa labaadna Xildhibaanda Dowlada, hadii uu dadkiisa qalad ka galay ayagaa la xisaabtamayaan, hadii uu dowlada qalad ka galeyna dowlada ayaa kula xisaabtami karto Axdiga iyo shuruucda u degsan , balse aan shaqsi dhihi Karin nama soo hor fariisan karo Aadan Madoobe. Hadalkaasi waxaan u aragnaa daan daansi iyo Naceyb oo Qanyare uu u hayo Qowmiyadda uu ka soo Jeedo Gud. Sheekh Aadan Madoobe, Inj. Siid Cali Qanyare hadalkii uu daraad ku hadlay waana mid aan aad iyo aad ugu carooney ayuu raaciyey. waana meel ka dhac aan loo dul qaadan karin oo looga baahan yahay Qanyare iyo Beesha uu ka dhashayba in ay si dhaqsiyo ah ugu bixiyaan Raali Gareyn hadii kale inay doonayaan in cadaawad laga dhex abuuro Qawmiyada Iyo Beesha uu ka soo jeedo Qanyare.
BDM-Media UK Office |