|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle ayaa cambaareyn dusha kaga tuurey hadalkii dhowaan ka soo yeerey mudane ka tirsan baarlamanka TFG Maxamed Qanyare Afrax
26/04/2010 BDM Media: Sanca
Gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle ayaa cambaareyn dusha kaga tuurey hadalkii dhowaan ka soo yeerey mudane ka tirsan baarlamanka TFG Maxamed Qanyare Afrax.
Shirkaa ay isugu yimaadeen Xubnaha sare ee jaaliyada Digilmirifle dalka Yamen ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Sanca ee dalka Yamen
Mudane Ibraahim C/Qaadir Madmaalin gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle dalka Yaman qudbad dheer halkaasi ka jeediyey hadaladiisa waxaa ka mid ahaa " marna inuusan xaq u lahayn inuu hadalkaasi qof isku sheegaayo mas'uul Soomaaliyeed waa qof weligiisa ka hadli jirey hadalo aan miisaaneyn" sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha jaalida DM dalka Yaman.
Waxa kale uu sheegey in gudoomiyaha baarlamana uu gudoomiye u yahay umahda Soomaaliyeed taasina ay quseyso shacabka hadii gudoomiyaha uu qaldanyahayna ay ayaga go'aan ka qaadan karaan Qanyarana uu ku qaldanyahay hadalo dhibtaato u keeni kara xasiloonida umada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Jaalyada waxaa uu ugu baaqey dhamaan Mudanayaasha baarlamanka inay iska qabtaa qof kastoo diidan midnimada iyo hormarka dalka ayna meel qura ugu soo wada jeestaan.
"Gudoomiyaha baarlamanka DFKG booska uu joogo qanyare iyo kooxdisa ma geynin mana ka qaadi ranaan waxaa lagama maarmaan ah inay raali gelin ka bixiyaan hadalada ay ku hadlayaan" sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle dalka Yaman.
BDM-Media Sanca Office |