Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Cuduro daawo lee heley

 

 C/Raxmaan Sheikh Dhaayow

Marka hore waxaa mahad leh ilaahii na abuurey oona amrey adoomankiisa in ay u towbad keenaan oo ay dembi dhaaf weydiistaan ilaahi na abuurey,
waxaan u maleynayaa in badan oo ka mid ah in ay layaabi doonaan cinwaankani  ee akhristyaasha webkan, Qof hadii uu denbi uu galo ama ha noqoto.


Qof bani aadam shakhsiyadiisa ama xaaskiisa ama saaxiibkiisa ama walaakiisa ama aabihiisa ama adeerkiisa ama wazaarada meesha uu ku shaqeeyo.ama nin mas,uul ah ama madaxweyne intaba hadii uu qalad ka galo  isla markiiba waxaa uu usoo muuqaneyaa in uu ninkaasi denbi ka galey in uu raali gareeyo maxaa yeeley haduusan raali gareyn ninkaas bani aadamka ah berito waxaa uu aaminsan yahay in shaqada laga soo joojin doono ama
hadii uu dan ku lahaa in uu dantaasi u soo diidi doono ama hadii maktab (office) ku shaqeeynaayo in uu dantii lahaa aysan u fulineynin haduusan raali gareynin.


Marka akhristayaal maxay kula tahay in qof bani aadam ah la raali gareeyo oo alihii khaaliqa na uumey aan la raali gareyn oo denbi dhaaf la weydiisan??
1_SIDEE BAA DENBI DHAAF U WEYDIISANAA ??
  su'aashani waxaa u kala qeybineynaa labo qeybood, mida koowaad waa tan  Alaah, Ilaaheey Subxaanahu Watacaalaa denbi hadii adoonkiisa ka galo ee haduu ku towbad keeno waa u denbi dhaafeyaa

Ilaahey waa Qafuuru Raxiim, towbadu laftirkeedii shuruudo ayey leedahay  oo sedex ah waxaa ka mid ah in uu san u laaban mar danbe wixii ka towbad keeney , mida labaad waxaa weeye waa tan ugu daran ee tan bani aadamka ee mar kasta aan laga towbad keenin dadka sey u badan yihiin, waxaa ka mid ah dulmiga baniaadamka loo geysto, la khiyaameeyo, xoolihiisa xoog looga qaato, gurigiisa xoog looga qaato , beerihiisa ama waxaas oo dhan isku soo duudub  heer waxaa la gaarey ayaamahan danbe in qofka markii la dulmiyo ka dib hadana dembiyadii ugu waaweynaa loo adeegsado
oo la yiraahdo ash-haado waan ku dileyaa,  ee marka ninkii aad dulmisey beertiisa ama gurigiisa ama xoolihiisa ama xaaskiisa intaan oo dhan lagu xad gudbey ayaa hadana la dileyaa asgoo ash-haadanaayo.

Sidaa ma waxaan ku gaareynaa horu mar, sidaa maa islaanimo ah aawey Soomaaliya 100% waa muslimiin ayaa naloogu sheekeyn jirey, marka waxaa isweydiin leh akhristow qofkii cafiska laga dalban lahaa ayaa la diley ee qofkii dileyna weli harsan lah dhib iyo rafaad oo aan kala go'aynin oo welina u sii dheer  kii aakhiro haduusan u towbad keenin, Ilaaheey ma cafiyo xuquuqda dadka waa in laga dalbadaa cafis dadka la dulmiyey, kan wax dulmiyow inta goori goor tahay cafis dalbo istigfaartana badi ee mar danbena ha u noqon.
2_ISKU DAAWEEYA DEMBI DHAAF (ISTIGFAAR).


Walaalyaal marka hore aan ogaano muxuu yahay istigfaar?
Istigfaar waa magac ka mid ah  magacyada Alaah Ilaahey Subxaana Watacaala asagaa isku tilmaamey  Qafaar,Qafuur,Qaafiri dambi, waxaana ay ku tilmaameen culimada macnaheeda Qafaar waxaa loola jeeda Alihii asturey dunuubta oo dhaafa,Sheekh GAZALI waxaa uu yiri markii uu fasiraayey Al-Qafaar waa Alihii soo bandhigey wixii wanaagsana wixii xumaana asturey.


waxaana uu amaaney dadka alah dembi dhaafka weydiista,waxaana uu ilaah ku abaal mariyaa daka dembi dhaafka weydiistey in uu dembigooda la dhaafo  oo uu ilaah ka raali noqdo
Qofka demdhi dhaafka weydiista oo ku run sheegaayo oo uu ictiraafo dembigiisa oo isduleeyo Ilaaheey mooyee qof kale aneysan u dhaafeynin dembigaan uu qiro kaas ayaa ah DAAWO NAAJAX AH .

Marka akhristow hadii cudurka ugu weyn ee na haayo ayaa daawo loo heley ee marka hadii daawo la inoo timaamey oo ilaahii na bauurey uu inoo sheegey daawadeena waa in aan u degdegnaa qof waliba siduu uu u heli lahaa daawadaasi, ileyn hadii uu ku yiraahdo dhakhtar caawa ama maanta hadii aadan isticmaalin daawadaasi waa dhimaneysaa ama naftaada halis bay ku sugan tahay isla markii ayaan iska gaarsiinaa daawadaasi sidii loo heli lahaa , ee maxaa anaga reebey anaga daawadeenii oo aan loo baahneyn dhakhtar takhasus ku leh ee daawo aan looga baahneyn pharmacy ee qof waliba oo bani aadam ah oo nafta ku jirto uu awoodo daqiiqado in uu isku daaweeyo, ma ahan wax lacag laga bixinaayo waa wax afka lagu dhowaaqaayo oo qalbigana uu rumeysan yahay waa ISTIGFAAR Ilaaha  na uumey hadii dembi dhaaf la weydiisto waxyaalo badan ayaa imaanayaa.

Hadaan muslimiin nahay Ilaaheey Subxaanahu Watacaalaa waxaa uu inoogu sheegey Qur'aankiisa iyo sunada Rasuulka calayhi asalaatu wasalaam Qaafiri danbi Waqaabili towbi , waa Alihii dhaafa danuubta waa Alihii ka towbad aqbala adoomankiisa
ilaaheey hadii denbi dhaaf la weydiisto, suuratu nuux  suuratu huud suuratu towba qur,aanka meelo badan ayaa lagu sheegey denbi dhaaf Alah la weydiisto darajada lagu gaaraay.


3_DAAWADA
 ILaah subxanahu watacaalaa hadii aan weydiisano denbi dhaaf waa uu inooo gargaareyaa dhib waliba aan ku jirno duruuf kasta ha ahaato ee gargaarkiisa ilaaheey waa uu imaaneyaa ee istigfaarta hala badiyo,
Hadii denbi dhaaf aan weydiisano waxan gaareynaa horu mar  waxaa imaaneyaa roob barwaaqo ku dheehan oo aan dhib laheyn ,
Hadii aan denbi dhaaf weydiisano waxaa imaanayaa beerihii oo dhan ayaa ilaaahey subxaanahu watacaala oo dhowrkaan sano ay abaaro isdaba joog ah ay ahaayeen ayaa ilaaheey naga bixinayaa oo beerihii baa dhaleyaan badarkii iyo  webiyadii ayaa durdurayaa  khudaartii ayaa guraneynaa wax waliba ee fawaakihadii dhamaantooda ilaaheey ayaa barwaaqo na siinayaa iyo bashbash ee aan u laabano Alaah,
Hadii aan denbi dhaaf weydiisano Alaah waxaa imaanayaa maalkii oo dhowrkaan sano nuqsaan ahaa oo aan laheyn ziyaado ilaaheey waa uu ziyaadinayaa maalkii iyo xoolihii ayaa si fiican ay u dhaldhalayaan waa ay sii badaneyaan oo waa ay barakoobaayaan ilaaheey ayaa yaqaanaa sida ay u barakoobaayaan,ee Ilaaheey aan talo saarano ee aan towbad keeno,


NB; ee akhristayaal mid aan ogaano wadankii waxaa na haysta waad u jeedaan ilaaheey waxaa uu inagu salidhay abaar aan kala go, lahayn Ilaaheey waxaa uu inagu salidhay dagaal aan kal go, lahayn, Ilaaheey waxaa uu inagu salidhay dad aan heshiineyn, Ilaaheey waxaa uu inagu salidhey in aan gobol gobol u qeybsano,
Ilaaheey waxaa uu inagu salidhey dhibaato fara badan waxaana ka mid ah oo aan rabo meeshaan aan is weydiino su'aalo dhowr ah aan u soo jeedinaayo alkhristayaasha iyo dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya??
1_ sidee baan uga bixi karnaa dhibaatadaan?
2_kooxahan faraha badan ma wanaag bay soo wadaan??
3_shirarkaan badan oo lagu magacaabo dib uheshiisiin ee aan dhamaaneyn sidee u aragtaan??
4_safaradaan badan ee madaxda dalka yey maslaxad uga jirtaa? yey wax u qabtaan?
5_Roobabka faraha badan ee ku da, dhulka oo aan wax soo saarkii hore jirin??
6_dhiigii weli sii daadanaayo maxaa xal ah?
7_caalamka Soomaali meel ay joogto sanka ayaa laga heystaa maxaa dan inoo ah??
8_Soomaalida qurbaha ku nool waxay dooneyaan inay dib ugu soo laabtaan dalkii sey ugu soo laabaneyaan??
9_ Kursigaan dagaalkiisa waa batey yaa ku haboon?? Qoladee??
10_Dhamaanteena diyaar ma unahay in aan towbad keeno? Su'aashani aniga ayaa ka jawabayaa  kuwa kale akhristayaasha ayaan u deyneynaa
 
Hadii ay tahay jawaabtu haa waxaa la heley cudirkii guud ee Soomaalida hayey dhowrkaan sano ee dhamaanteena waxaa inoo balan ah maanta laga bilaabo in aan is cafino Ilaahey denbi dhaaf aan ka weydiisano aan towbad keeno saan u dhan nahay dhamaanteena rag iyo dumar dalka dhibkaan aad u jeediin waa wax anaga aan kasbaney weeye ,
 
4_ASXAABADII IYO DADKII SAALIXIINTII SIDA AY ISKU DAAWEYN JIREEN.
    1_ Qataada ; waxaa uu yiri raximahu laah (qur'aanka waxaa uu idin tusinayaa cudirkiina iyo daawadiisa, amaa jiradiina waa denbiga, amaa daawadiina waa denbi dhaaf Alaah la weydiisto)
     2_Alibinu abii dhaalib karama laahu wajhah waxaa uu yiri (waxaan la yaabaa ayaau yiri qof la helaagaayo oo hadana heysto shey uu ku badbaadaayo, waxaa lagu yiri maxaa lagu badbaada?? waxaa uu ku jwaabey denbi dhaaf)
    3_Luqmaan calyhi asalaam waxaa uu yiri asgoo u dardaarmaya wiilkiisa (Ilaaheey waxaa uu leeyahay saacaad aan ka soo celineynin su'aashiisa ee badi istigfaarta ama denbidhaaf)
4_Fudeel binu cayaad raximahu laah waxaa uu yiri (denbi dhaaf aan Alah la weydiisto oo hadana aan laga go'eynin denbigii lagu sii dhex jiro waxaa uu yiri taasi waa beenaaleyaasha towbadoodii weeye )
 
ee gabagabadii halkaan maku soo koobi karno aayadaha qur'aanka iyo axaadiista soo aroortey ee marka qof walibow ma rabta in aad liiban aduun iyo mid aakhiro  labaduba aad gaartid hadii ay tahay jawaabtu haa ee Alaah aan ka cabsano cid waliba aan u dardaarano wanaaga ala ka cabsiga  si aan u helno intaan soo sheegney oo dhan
1-Hala badiyo  denbi dhaaf,
2_in roob noo yimaado oo miro i noo dhaliyo riziqa waasac inoo noqdo
3_Ilaaheey waxaa uu inoogu yeeleyaa beerihii webiyaal oo janooyin ah  iyo xoolihii daaqsiin badan.
4_ilaaheey ayuu inoo badineyaa maalkii iyo caruurtii waan inoo barakeynayaa.

 
 NB ; intaan aan soo sheegey oo dhan goormaa la heleyaa markii aan Ilaah ka cabsano oo debni dhaaf weydiisano Alaah waa uu inoo gargaarayaa dhibaatadan nahaysatana waa aan ka sii baxaynaa ee maqaalkeena intaan ayaan ka soo gabagebeynayaa.

 

Ilaahow Dimbigeena iyo mida waalidkeenaba Dhaaf

 

C/Raxmaan Sheikh Dhaayow
Banooda700@hotmail.com

www.Bdigilmirifle.com