Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Dalka Swezerland oo markii ugu horeysey laga hergeliyey jaaliyad ay leedahay qowmiyada weyn ee Digilmirifle


BDM: Arou. 5/4/2010:

Dalka Swezerland ayaa waxaa markii ugu horeysey laga hergeliyey jaaliyad ay leedahay qowmiyada weyn ee Digilmirifle .

Dhisitaanka jaaliyadaan ayaa ka dambeysay kadib markii gobolada qaar ee dalka Swiss ay booqasho dhowaan halkaasi ku soo gaareen qaar kamid ah waxgaradka qowmiyada oo ka yimid  waqooyiga dalka Mareykanka .

Gobolka Arou oo kamid ah gobolada dalka Swizz ee meelaha ugu badan ee ay joogaan dadka ugu badan qowmiyada Digilmirifle oo xitaa ay ku jiraan koox fanaaniin ah ayaa  waxaa xalay xili dambe lagu dhisey jaaliyad

Waxaa la sameeyey qeybta hore ee maamulka ay yeelaneyso Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Switzerland  .

Markii ay doorashada dhaceysay ayaa waxaa goobje ka ahaa Cali Maxamed Kuusoow ( Cali Atoore ) oo degan waqooyiga America iyo xubno ka socday Finland  Iyo Sweden,

Xubnaha halkaas lagu doortey ayaa waxaa ka mid ah

Mukhtaar Caliyoow Axmed Gudoomiye,

Maxamed Sharif Xuseen gudoomiye Kuxigeen Halka Suleemaan Xuseen Aba-Shikhna loo magacaabey inuu qabto xilka ugu adag ee wax labto waa Maaliyada kaasoo inta badana sababa khilaaf ururada ama jaaliyadaha la dhiso.



 

 

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com