|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Kulankii haweenka ka soo jeeda koonfur galbeed Somaliya
ee ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingriiska ayaa ku
dhamaadey waji xiiso leh.
BDM: 16-03-2010 UK Kulankii haweenka ka soo jeeda koonfur galbeed Somaliya ee ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Ingriiska ayaa wuxuu ku dhamaadey waji xiiso leh Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen haween ka soo jeeda gobolada Konfur galbeed ee Somaliya ayaa hadafkoodu wuxuu ahaa taagyeerida shirarka iyo howlaha lagu doonayo u sameynta maamul goboleedka konfur galbeed ee dalka Soomaaliya. Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxda maamulka konfur galbeed somaliya iyo duqa magaalada Manchester ayaa lagu doortey gudi hogaamiya iskuna xira haweenka ku dhaqan cariga UK si ay isigu duubnaadaan oo ay umadooda wax ugu qabtaan.
Maamulka haweenka sameysteen ayaa ahaa mid ay ku wada qanacsanaayeen dhamaan haweenkii kasoo qeyb galay kulankaasi iyo duqii magaalada Machester oo asaga goob jooge ka ahaa munaasabadaani Mr. Tony Loyds.
Gudoomiyaha Haweenka DM Guud ahaan dalkaasi waa Iisool Omar Saciid, Xubnaha halkaasi lagu doortey ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha gudiga haweenka DM ee Manchester Aamina Ibrahim sanweyn kuxigeenka Safiya Abuukar (Afgooye)
Waxaana xubnaha gudigaas kamid ah:-
Iisho jaylaani, Nadif cali darays Fadumo Sharif Cabdullaahi Faduma Yare Raxma humow Amina macalin Aadan Iyo kuwo kale oo badan. Maamulkaan cusub masuuliyiintii loo doortay ayaa waxay balan qaadeen inay ka shaqeyn nayaan sidii nabad aan guur guureynin loogu heli lahaa gobolada koonfur galbeed ,inay sameynayaan isku xirnaasho guud ahaan haweenka qowmiyada, inay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska gobolada ay degto guud ahaan Qowmiyada Digilmirifle. Sidoo kale waxay balan qaadeen inay u istaagi doonaan soo nooleynta kaalintii haweenka ayagoo ka qeyb qaadan doona dhamaan inta ay qabtaan Raga sida waxbarashada, siyaasada, wacyi gelinta iyo tartamada maamulada loo sameynayo jaaliyadaha, gobolada degmooyinka gudaha iyo dibada intaba. Haweenka Digilmirifle oo aad loogu warqabo wax qabadkooda kaalimihii kala duwanaa ee hormarinta qowmiyada ayaa hadana waxaa laga filayaa in ciyaaraan dowr ka ween kii horey u una istaagaan sidii ay ugu dhabeyn lahaayeen go’aamadooda
Email: jama506@live.co.uk Tell: +447507000234 |