Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Wafdi kasocdey Gudiga qaban qaabada ee Maamulgobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya (South & West State ) oo gaarey Doha Caasimada dalka Qatar


BDM: 20-06-2010 Doha

Wafdi kasocdey Gudiga qaban qaabada ee Maamulgobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya (South & West State ) ayaa soo gaarey shalay caasimada wadaka Qatar ee doha wafdigaas oo ka soo kicitimey dhinaca wadanka Ingiriiska

halkaasoo   ugu hortagey goroonka caalamiga ee Doha International air port  Godoomiyaha Jaaliyada Digilmirafle  ee  wadanka Qatar Mudane Abdulaahi Xaaji Maxamuud Barbaar  kuna soo dhaweeyay halkaasi


 
Wafdigaan oo ka koobnaa 2 xibnood oo kala ah  Abdirashiid Xaaji Xasan   oo isagu ah ugaabilsanah  arimmaha Dibada  ee gudiga diyaargareenta maamulka  iyo C/rizaaq  sheikh Muxidiin oo ah Xogahay guud  ee  isla gudigaasi qaban qaabada iyo  qabsoomida maamul usameeynta gobalada  ay ka soo jeedaan qamiyada Digilmirafle South & West State  oo ka kooban  ilaa iyo lix gobal

.

Wafdigaasi  ayaa kulan gaar ah la yeeshey  jaaliyada kunool wadanka Qatar   islamarkaasina warbixn  kala qaatey   ugu horeeyntii ayaa godoomiyaha jaaliyada mudane barbaar waxa uu warbixin ka siiyay  qaabdhismeedka iyo waxqabadka  jaaliyadda intii ay jirtey kadibna waxaa halkaasi ka Hadley  Farxaan Ibraahim  oo ah isaga  xoghaya guud ee jaaliyada Digilmirfle  warbixin  ka soo jeediyay shirkaasi  kuna soo dhaweey wafdiga si ay warbixin u siiyaan wafdiga  

Abdirashiid xaaji  oo isgana warbixin dheerkabixyay  gaabka qaban qaabada  ee shirweyna ha  isugu imaan doonto  guud ahaan Qawmiyada Digilmirafle  meel walbo ay joogto kuna  dhisan doonaan  dawlada gobaleedka South & West State asagoon weli aan  carabaabin meel lagu qaban doono  shirkaasi  balse  laga yaabo buu yiri in dawlada jabuuti ay marti geliso, mar aan wax kaweydiiyay  abdirashiid

 

Gabagabadii kulankaasi ayaa C/rashiid waxaa uu ugu mahadceliyay  jaaliayada Digilmirafle  ee Qatar  kana  kacosadey   jaaliyadda in ay isku duubnaandaan  ayna sameeystaan gudi  kooban oo kamid ahaandoona gudiyada ay  yeesheen  dhamaan jaaliyadaha  Digilmirafle ee kunool wadanka dibadiisa   gudigaasi ayuu sheegey inuu   lashaqeeyn doona  gudiga qaban qaabada oo diyaar gareenaya qabsoomida shirweynahay   si rasmi ahna uga qeyb gelidoona gudigaasi   shirweynaha   la qursheyenayo in lagu   qabto  wadanka dibadiisa  waa siduu wabixinta ku xusey mudane C/rashiid  

 

Isku soo wada duboo  maamul usameeynta  gobalada koorfur galbeed ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaan doona maamul gobaleeyada haatan  kajira wadanka gudihiisa   sida GALMUDUG  IWM  taasoo Soomalida inteeda badan ay ku kala fikrad duwanyihiin  qaarna ay aaminsanyahiin in  maamul gobaleedyadu ay sameenkaraan hormaka wadanka  halka kuwakalena ay aaminsanyihiin in uuyahay kala qo qobnaan  iyo kala qeybinta wadanka

Maxamed sheikh Isxaaq  Doha Qadar


Waxaad kaga qeyb qaadan kartaa dhismaha masjidka jaamaca ee magaalada Baydhabo adigoo u marsiinaya sadaqadaada xisaabaadka hoos ku qoran, ogow walaal sadaqadaan waxay kuu soconeysaa ajarkeeda inta aad nooshahay iyo marka aad dhimato intaba

 

Dahabshii  D0009350

Bakaal                 XMR012

Amal 0508-04-45721-1001


 

BDM-Media Office.
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com