|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Jaaliyada Digilmirifle Uk Oo Xalay Kulan La Qaatay Kooxda Fanaaniinta Irmaan BDM: 20-06-2010 UK Kulankaan aad muhiim u ahaa ayaa xalay waxay magaalada Birmingham ee dalka ingriiska ay ku yeesheen fanaaniinta Digilmirifle Irmaan iyo jaaliyada dalkaasi Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay qodobo wax ku ool ah oo uu u horeeyo inta aduun korkiisa lagu sameeyo waxa ugu wanaagsan oo loogu maseero bini aadamka. Ugu horeen waxaa la isku raacey in taageero dhab ah loo muujiyo masjidka Jaamaca ee Baydhabo ayadoo isla xalayba dad badan oo kulankaasi kasoo qeyb galay ay dhiibeen qarash lagu taageero masjidkaasi. 2-in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro maamulka gudaha isla markaana la bilaabo u gogol xaarida shirweynaha lagu dhisayo maamul goboleedka oo dhowaan lagu qaban doono Dalka Djabuti. 3- xulasho ay jaaliya ku sameysay heeso wacyi gelin iyo gubaabo ah oo gaarayay ilaa 9 heesood oo kooxa Irmaan soo bandhigtay iyo in boorka laga jafo koontadii ay lahaan jirtay qowmiyada si mustaqbalka dhow iyo kan dheerba ay u saacidaan dadkii iyo deegaankii.
Si kastaba ha ahaatee maamulka jaaliyada ka sokow waxaa kulankaasi kasoo qeybgalay xalay fanaaniinta kala ah 1-Mohamed Ahmed Qoomal 2- Xasan Yacquub Maxamed 3-Ali Mohamed Kuusow (Ali Atoore) iyo kuwo kaloo badan>
Waxaad kaga qeyb qaadan kartaa dhismaha masjidka jaamaca ee magaalada Baydhabo adigoo u marsiinaya sadaqadaada xisaabaadka hoos ku qoran, ogow walaal sadaqadaan waxay kuu soconeysaa ajarkeeda inta aad nooshahay iyo marka aad dhimato intaba
Dahabshii D0009350 Bakaal XMR012 Amal 0508-04-45721-1001 BDM-Media Office. |