Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Soo bandhigid daraasaad lagu sameeyey xaaladaha kala duwan ee qowmiyada Digilmirifle


BDM: 22-06-2010 Jeddah

Soo bandigid daraasad 1.5 sano

Jaaliyad Digilmirifle ee dalka boqortooyada sacudi carabia in mudo ah waxay ku howlaneyd baaritaan iyo daraasad lagu soo sameynayey bulshada DM meelkasto ay ka degan dalka gudihiisa iyo inta ku nool daafaha aduunka ,

Dadka arimahaas ka qeybqaatey waxay dhamaayeen 51 qof oo iskugu jiray aqoonyahano , culmaa'udiin, indher-garad iyo odey dhaqameed. Waxayna qaadatay mudo sanad iyo bar ah soo uruurin kadib falanqeyn iyo dodo kadib waxaa laga soo saarey qoraalkaan oo kooban. Waxaa la soo arkey dad badan tiro ahaan waxaa laysla gartey Soomaalida 63% ina ay tahay DM  iyo inta la degta.

A- dadka u dhashey  qowmiyada dad ahaan deegaan ahaan, degenaan, wax soo saar isku kalsooni Alla ka cabsi wax ku gaaro in aan jirin Soomaalida inteeda kale marka la fiiriyey.

B-  waa dadka kaliya ay is faraan wanaaga iska reeba xumaanta ilaaliyana bani'aadanimada iyo isla noolaanshaha iyo walaaltinimo Somali.

Dadka digilmirifle waa dadka ugu badan dhibatada ka soo gaaray Soomaalida inteeda kale waana dadka ugu badan dagaaladan sokeye dibka badan ka soo gaarey ugu na dhimashada badanaa ilaa 1991 ilaa 2007

Dhibaatooyinkaan ama dhimashaas badan ma ahayn mid xabad kaliya dishey ee waxaa kaloo jirey

1-    Oon biyo la'aan

2-    Raashiin la'aan oo sawab u ahayd in keedkodii horey logu gubey inta kalena laga dhacay cida falkaas gaysateyna Soomaaliyoo dhan way ogyihiin

Intaas la soo sheegey iyo in ka badan aan la soo sheegin iyo in intaas ka sii badan oo aan afkaba u rooneyn in la soo mariyo.

Baaritaan dheer ka dib Waxaa la ogaadey in sawab u tahay 2 arimood oo kala ah

1 mas'uul la'aan

2- muwaafaqo daro

Marhadii la ogaadey labada arimood waa in loo helaa daawo, daawadaas ku dhex jirto qowmiyada dhexdeeda. Waana muhiim in laga soo dhex saaro

Tan ugu weyn ayaa ah muwaafaqo daro taas oo keenta

1-    Is yasid aan meel lahayn

2-    Is aamin daro

3-    Isku kalsooni la'aan iwm

Intii 3dan jirto mala heli karo muwaafaqo hadii la waayo muwaafaqo lama heli karo hogaan mid ah waxaan ogaanay in aan jirin wax laysku yaso laysuna aamini waayo laskuna kalsoonaan waayo mana soo arkin DM dhexdeeda cid cid kale ka fadli badan amaba ka wax dheer madama aan jirin cid loo hogaansayahay amaba wax dheertahay dadka kale maxaa 3 dan korku soo xusney oo macno ay leeyihiin

 

Waxaa  fariin usoo gudbineynaa dhamaan qoomiyada DM

1-    Wax garadkeeda

2-    Aqoonyahankeeda

3-    Odey dhaqameedkooda

4-    Culumaa'udiinkooda

5-    Hooyooyinkooda

6-    Dhalinyadadooda wiilal  iyo dhabo

b- Sida ugu dhaqsiyaha badan in loo taageeraa dadaalaka uu ka socdo gudaha iyo dibada kaas oo ah in shirweynaha la hadal hayo la soo dedejiyo khabashadiisa laguna khabto gudaha dalka iskuna tashano

t- in isku imaanshahaasna uu noqdo mid la iskugu keenayo fikradaha iyo talooyinka qof waliba meshiisa ku haysto iyo muwaafaqo iyo isku noqosho guud oo aan ula jeedno in la is saamaxo 

mar hadii muwaafaqo timaado wax walbo way sahlanaan doonaan.

 

Waxaa diyaariyey

Cumar Mursal Yaxyax

Gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle Sacudi Carabiya

 


Waxaad kaga qeyb qaadan kartaa dhismaha masjidka jaamaca ee magaalada Baydhabo adigoo u marsiinaya sadaqadaada xisaabaadka hoos ku qoran, ogow walaal sadaqadaan waxay kuu soconeysaa ajarkeeda inta aad nooshahay iyo marka aad dhimato intaba

 

Dahabshii  D0009350

Bakaal                 XMR012

Amal 0508-04-45721-1001


 

BDM-Media Office.
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com