|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
HYDA hakaba youth development association Ururka hormarinta dhalinyadada Hakaba oo HYDA oo loogu dhawaaqey dalka Sacudiya
BDM: 27-03-2010 Jeddah Shir ay isugu yimaadeen dhalinyaro iyo aqooyahano ka soo jeeda Deegaanada ay degaan beesha Eelaay ayaa lagu qabtey magaalada Jeddah ee Sacudi Carabia Shirkaan ayaa loogu gol-lahaa sidii dib u habey iyo isku shaandheyn loogu sameyn lahaa urur dhalinyaro oo lagu magacaabo HYDA oo laga soo gaabiyey (Hakaba youth Development Association. ururka hormarinta dhalinyarada Hakaba) kaasoo xuruuntiisa ay tahay degmada Buurhakaba balse faracyo badan ku leh daafaha caalamka.
Ururka HYDA xafiiskiisa Sacuudiga ayaa waxaa shaley la dhisey gudi fulin oo ka kooban 12 xubnood oo shaqeyn doona mudo 6 bilood ah iyo gole dhexe. Ururka HYDA oo ah urur hormarin ah ayaa waxaa loo dhisey sidii ay u hormarin lahayeen dhalinyarada ku nool dalka iyo dibada intaba ayagoo laga sugayo wax qabad dhinacyo badan leh.
sidoo kale xaflada waxaa lagu casuumey oo ka soo qeeb galeen xoghayaha maamulka Sedax buurood iyo masheeghtiyo iyo Pro. Muxidiin Macalin Isaaq wuxuuna halkaasi ka soo jeediyey hadalo isugu jira waano iyo dardaan ku aadan howlaha horyaala sidoo kale waxaa meesha ka soo qeeb galey ganacsade Cali aamiin oo si aad ah loogu yaqaano degmada buurhakaba kaasoo dalka sacuudiga ku jooga siyaaro.
Ururka Hyda waxaa la aas aasey dhamaadkii sagaashanaadkii waxaana fikiradaasi keeney koox dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanada ay degaan beesha Buurhakaba oo wax ku baranayey magaalada Muqdisho kadibna halkaasi ay ugu dhawaaqeen urukaani balse xafladiisi furitaanka lagu qabtey Degmada Buurhakaba kadibna xafiisyo kale laga furey magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo, Baardheere,iyo dalal dibada ah.
Xafiiska HYDA ee dalka sacuudiga oo isku howley dib u soo kicinta ururkaan ayaa waxay fariin u dirayaan dhamaan dhalinyaradii ururka horey usoo aas aasey iyo kuwa kale ee ka soo jeeda deegaanada loo dhisey ururkaan ee dalka iyo dibada inay u wada istaagaan hormarinta dhalinyarada iyo deegaanka Gudiga fulinta ee shaley la doortey ayaa waxaa ka mid ahaa .
Qaab dhismeedka Ururka:
Ururku wuxuu leeyahay :- 1. Gudoomiye Muzamil Cali Isaaq Berkaan 2. Gudoomiye ku xigeenka 1aad Weetow Sh. C/Wahaab 3. Gudoomiye ku xigeenka 2aad Maxmuud Cabdi C/Raxman (wiirow) 4. Xoghaye. Maxamed Nuur Ibraahim Sh. (Aasto) 5. X. xiriirka arimaha dibada. Maxamed Cali Mursal (Clinton) 6. X. xiriirka guud Cali Aadan Sheikh (Caliyey) 7. X. howlaha guud. Ibraahim Xasan Xuseen (Rooti) 8. X. maaliyada. Qaasim Madey Ibraahim (malaag) 9. X. arimaha bulshada Madey Eedign Abdiyow 10. X. wacyigelinta C/raxmaan Sh. Dhayow 11. X.arimaha gudaha Mayow Usmaagn eenow 12. X. haweenka. ..
Golaha dhexe Ureen Mayow Maadey Maxamed Ibraahim Cabdi Yare Mad Eenow Cali Xisaam Raajac C/Xakiim Sheikh Aadan Madey Boorow Sayid Cumar Aadan Daa'uud Sharmaarke Maxamed Cabdi C/salaam Sheikh Nuurow C/raxiim Maxamed Ibraahim Siid Cali Ashar Axmadey Boorow C/Raxmaan Madey Boorow Mad yarrow Mad Sheikh Hasan
BDM-Media Office. Jeddah |