Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Shir si heersare loo soo agaasimey ayaa waxaa uu ka dhacay wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaala madaxdiisa labaad ee Birmingham.

 


 

 

BDM: 29-03-2010 Birmingham

Shir si heersare loo soo agaasimey ayaa waxaa uu ka dhacay wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaala madaxdiisa labaad ee Birmingham. Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qaybgaley dhamaan guddiyadii loo xilsaarey inay soo diyaariyaan qorshaha Barnaamijka Horumarinta BuurHakaba

Shirkaasi oo ku bilowdey jawi heersare ah ayaa waxaa looga hadley dhowr qodob oo muhiim u ahaa habsami usocodka Barnaamijka guud. Waxaa warbixin guud laga dhegaystey shirguddoonka oo horey usoo ururiyey dhamaan wixii la qabtey mudadii bisha ahayd ee guddiyada kala duwan ay ku hawlanaayeen soo diyaarinta barnaamijka

 

Wuxuu si aad ah u amaaney guddiyada kala duwan ee isku hawlay iney hawshan muhiimka ah kusoo diyaariyeen muddo aad u gaaban qorsha baaxadan leh ka dib waxaa halkaas laga akhriyey qorshayaashii kala duwanaa ee kala ahaa qorshaha isku xirka jaaliyadda reer buurhakaba ee ku kala nool dhamaan qaaradaha adduunka,

Qorshaha isku xirka jaaliyadda reer Buurhakaba ee UK, Qorshaha Dhaqaalaha, Qorshaha Barnaamijyada Horumarinta, iyo Qorshaha Maamulka iyo Nabadgelyada

Hadaba waxaa si aad ah loo falanqeeyey si gooni gooni ahna looga hadley qorshayaashii waxaana kasoo baxay go’aanadan hoos ku qoran

1. Laga bilaabo manta(27/3/10) waxaa la go’aamiyey, isla markaana cod buuxda lagu ansixiyey in qorshahayaashaas ay noqon doonaan qorshaha guud ee mustaqbalka (2010-2013) ee lagu horumarinayo Buur-Hakaba kaasoo higsanaya hal ujeeddo guud

2. Waxaa cod buuxda laysku raacey isla markaana la ansixiyey in magaca Barnaamijka Horumarinta oo noqon doono BUURHAKABA DEVELOPMENT COMMITEE (BDC) kaasoo leh logo u gaar ah isla markaana wixii documents ah laga bilaabo manta ay astaantaas ay ku caddaan doonto

3. Waxaa la go’aamiyey lana ansixiyey in magaca fulinta qorshayaashaas uu yahay BuurHakaba Development Project (BDP).

4. Waxaa laysku raacey lana go’aamiyey in aanan cidna samayn Karin wax ka baxsan qorshahan guud balse wixii fikrado ah lasoo dhawaynayo hadday muhiim u tahayna lagu dari doono qorshaha ka dib marka ay ansixiyaan guddiga ansxinta oo ka kooban 13 qofood

5. Waxaa la go’aamiyey si aad ahna loo falanqeeyey in shir lagu qaban doono Netherland kaasoo ay isugu imaan doonaan dhamaan jaaliyadda reer BuurHakaba eek u nool Europe si loo gaarsiiyo qorshahan iyo ga’aamadooda kaasoo dhici doona bishan foodda inagu soo haysa ee April 3rd 2010

Ugu dambeyn dhamaan dadkii kasoo qaybgaley waxay si aad ah ugu qanceen dhamaan qorshayaasha lasku raacey waxayna balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan waxqabadkooda ayna ka mira dhalin doonaan.

 

 

BDM-Media Office. Birmingham
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com