Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Munaasabad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimey Oo Xil Wareejin Ah Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Birmingham,taasoo loogu magacdarey (Libing ya Tiigsidey Lilaahi Iski Ranoy)


 

BDM: 04-04-2010 Bermingham

 

Munaasabad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimey Oo Xil Wareejin Ah Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Birmingham,taasoo loogu magacdarey (Libing ya Tiigsidey Lilaahi Iski Ranoy)

Waxaa beryahanba la sugaayey goortey dhaceyso xafladan xil wareejinta ah, ayadoo magaalooyinka waaweyn ee UK mid waliba ku han weyneyd in ay ayada noqoto tii xafladan lagu qaban lahaa, waxaana nasiib u yeeshey magaalada Birmingham.

 

Sida la wada ogsoon yahayna waxaa hore u jirey Maamul ay laheyd Qowmiyadda DigilMirifle ee UK, kaasoo uu ahaa mid waqtigiisii xil hayna ay ka dhamaatey, hawlo fara badan oo lataaban karana uu soo qabtey, waxaana gudoomiye ka ahaa maamulkii hore Mudane Cabdullaahi Siidow, runtii intii uu xilka hayeyna howlo fara badan u soo qabtey Qowmiyadiisa.

Doorashadii dhacdey 06/03/2010 waxaa isugu soo baxey laba mudane oo la kala yiraahdo,  Ing: Sayedali  Mohamed iyo Dr: Abdilatiif Abuukar Qaasim, waxaana guuleystey Ing: Sayid-ali Mohamed, uuna ku guuleystey 8 Cod, halka Cabdilatifna uu heley 7 Cod, Sida lagu heshiiyeyna ay aheyd in gudiga dhexe oo 15 qof ah ay iska dhex doortaan gudoomiye, waxaana nasiib u yeeshey Ing: Sayid-ali.

Maanta oo ay bishu tahay 03/04/2010, waxaa kaloo isla xafladan lagu caleemo saarey Gudoomiyaha gollaha sare Col: Madey Nuurey (Ufurow) Suldaanka Qowmiyadda DigilMirifle UK  Suldaan Cusmaan.

Suldaan Cusmaan waxa uu yahay qofka ugu sareeya Qowmiyadda inta ku nool UK, hadii khilaaf ka dhex dhaco gudiyada asaga ayaa ah qofkii kala xukmin lahaa oo go'aana ka gaari lahaa.

 

 

 

Jaamac Maxamed Cabdullahi

BDM-Media Office. Birmingham UK
jama506@live.co.uk 

www.Bdigilmirifle.com