Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Culumaa,udiinka Baydhabo ayaa kulan waxay ka yeesheen xaalada cusub ee dib u dhisida masaajidka weyn ee jaamaca Baydhabo.


Baydhabo. BDM-Media 10/04/2010

Culumaa,udiinka Baydhabo ayaa kulan waxay ka yeesheen xaalada cusub ee dib u dhisida masaajidka weyn ee jaamaca Baydhabo.

Kulankaan oo ka dhacey guriga cusub Afar-idoodka kuyaalo ee Diino Kafee ayaa waxay culumaaudiinka kaga hadlayeen sidii loo taageei lahaa taageerana loogu raadin lahaa dib udhisida masaajidkaasi.

culumada shirka isugu timid oo qorshaan si aad ah u taageeray ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Maxamed Pakistaan, Sheekh Abuukar C/raxiin, Sheekh Xasan Al-Waajid, Sheekh C/laahi Gerweyne Macalin Muhudiin oo ah Imaamka Masaajidkaasi iyo culimo kale.

 

waxayna ugu baaqayaan dadyowka muslimiinta ah inay gacan ka geystaan dib u dhisida masaajidka qadiimiga ah waxayna ku sheegeen in dhisida masaajidka aan siyaasad shuqul ku laheyn isla markaana ay gacan ka geysan karaan cidkasta oo ilaah wax u dhiibey rabtana inay wax hormarsato inta aan laga tagin Aduunkaan Baas

 

 

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com