Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Xubno sare oo ka tirsan Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacudi Carabiya ayaa ka hadley wax qabadkii jaaliyada tan iyo markii la aas aasey waxyaabaha guul ah ee ay gaareen jaaliyaa.


Jeddah. BDM-Media 10/04/2010

Xubno sare oo ka tirsan Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacudi Carabiya ayaa ka hadley wax qabadkii jaaliyada tan iyo markii la aas aasey waxyaabaha latilmaami karo ee ay gaareen jaaliyaa.

Barnaamij ay siideysey talefishenka ETN oo lagu wareysanayey xubno sare oo ka tirsan gudiga fulinta ee jaaliyada Digilmirifle ee dalka Boqortooyada Sacudi Caraba oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Md. Clr.Yaxya Xasan Mursal, xoghayaha arimaha jaaliyadaha Md C/Laahi Maxamuud Maxamed (Kuusow) iyo afhayeenka jaaliyada DM Md. Jalaal Maxamuud Xasan ayaa warbixin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ay jaaliyada soo martey iyo waxyaabihii u soo qabsoomey

Xubnahaan ayaa wareysigoodi ku sheegey inay gaareen guulo badan oo la taaban karo oo ay ugu horeyso qabsoomidii shirkii golaha aqooyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle iyo dhisidii golihii malaaqyada taasoo ay kaalin mug leh kaga geysteen dhinaca dhaqaalaha iyo adkeynta midnimada Digilmirfle.

Jaaliyada Digilmirifle ayaa sheegtey in had iyo jeer ku haminayaan helida Maamul goboleedka koonfur galbeed iyo midnimada qowmiyada walaalaha ah ee Digilmirifle ayagoo markasta baaqyo kala duwan u dira cida quseysa arinkaas.

waxay kaloo sheegeen in ay sameeyeen sanduuq deeq ah oo loogu tala galey horumarka deegaanada ay degaan qowmiyada Digilmirifle sanduuqaas oo lagu fulindoono howlo kala duwan oo isugu jira caafimaadka iyo waxbarashada

mar wax laga weydiiyey arimaha maamulgoboleedka waxa ay sheegeen astaantooda iyo hadafka ugu muhiimsan inay tahay u helida deegaanada Digilmirifle maamul goboleed loo mideysanyahay waxayna baaq u direen dhamaan jaaliyadaha Digilmirifle meel kasto ay joogaan inay arintaasi dardargeliyaan aqligooda iyo maalkooda meel isugu keenaan sidii loo heli lahaa maamul mideysan.

 

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com