Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Ardada nasiibka badan ee wax kabarta dalkooda hooyo oo ku howlan imtixaankii kala barka Semesterka


Baydhabo. BDM-Media 12/04/2010

Ardada nasiibka badan ee wax kabarta dalkooda hooyo gaar ahaan jaamacada koonfurta Soomaaliya USS ee Baydhabo ayaa ku howlan imtixaankii kala barka Semesterka.

Imtixaankaan oo bilowday maalin ka hor holka imtixaanaadka jaamacada USS ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu marayaa heer gebo gebo ah kaasoo ardada lagu kontoroolayo mudadii ay wax soo baranayeen semester-kaan.

Jaamacada Koonfurta Soomaaliya USS ayaa waxaa caado u ah in ardada halkii semester-ba laga qaado labo imtixaan oo lagu saxayo 30-70 natiijadiisa ayaa waxay sheegeen ardadaasi oo aan ku booqaney jaamacada inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin waxbarashada aad qaaliga u ah oo ay heystaan.

Hormuudka jaamacada Proff. Mohamed Ali Kalay oo isna xafiiskiisa jaamacada aaan ku booqanay ayaa wuxuu Baidoanews usheegay in waxbarashada ay ka qeyb qaadanayso nabad geliyada,wuxuuna ugu baaqey dhamaan inta waxbarashada jecel inay kusoo biiraan ardadadaasi asagoo ardaduna u rajeeyey natiijo wanaagsan iyo inay laba sii laabaan dadaalka ay hada muujinayaan.

 

 

 

BDM-Media
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com