|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Waxaa magaalada Baydhabo caasimada konfur galbeed Somaliya lagu furey xuruun lagula tacaasha dadka waalan.
BDM: 20-04-2010 Baydhabo Waxaa magaalada Baydhabo caasimada konfur galbeed Somaliya lagu furey xuruun la tacaasha dadka waalan.
Xaruntaan cusub ee laga hergeliyey koonfurta Soomaaliya gaar ahaan caasimada
koonfur galbeed Baydhabo ayaa ah mid ay si weyn usoo dhoweeyeen qeybaha kala
duwan ee bulshada ku dhaqan Goboladaasi.
Munaasabadii lagu furayay xaruntaal oo loogu magac darey xarunta Latalinta Dadka Waalan ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha malaaqyada Malaaq Isaaq Ibraahim, Sheekh Xasan Dooyow oo ka socday culumaa,udiinka, Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanada, Proff. Heerow, Hormuudka Jaamacada Iyo Masuuliyiin kale. Waxay sheegeen dhamaan masuuliyiintaasi hadashay iyo kuwii kaleba inay si aad ah usoo dhowey nayaan mashruucaan maadaama ay magaaladu daada san yihiin dad waalan oo dhimirla loogu jiro, haba u waasheenee siyaabo kala gedisan. Aadan Cabdi Raxmaan Maxamed (Gentel-Man) oo ah gudoomiyaha xaruntaan cusub ee laga furey Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in qorshohoodu uu yahay inay u helaan sida ugu dhaqsiyaha badan meel lagu xanaaneeyay dadkaasi, ayagoo balan qaadey daawo iyo daryeel wuxuuna ugu baaqey walaalaha wanaaga jecel oo dhan in hay,adaasi lala shaqeeyo maadaama aan waxba qaban Karin buu yiri Gan Keligeeda. Sikastaba ha ahaatee waa xaruntii sedexaad ee hay,ad noocaan ah laga furo guud ahaan soomaaliya waxay hey,ado lamid ah midia Baydhabo laga furey ay ka jiraan Soomaaliland oo meel ah iyo puntland waxay noqoneysaa Baydhabo meeshii sedexaad oo laga hergeliyo mashruucaan wanaagsan.
BDM-Media Office. Baydhabo |