Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Waxgaradka koonfur galbeed soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii shalay gelinkii dambe Gaalkacyo loogu geystay xoogsade kasoo jeeda koonfurta soomaaliya.


 

BDM: 21-04-2010 Baydhabo 

Waxgaradka koonfur galbeed soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii shalay gelinkii dambe Gaalkacyo loogu geystay xoogsade kasoo jeeda koonfurta soomaaliya.

Fowsi Cabdi Nuur Maxamed oo ah afhayeenka golaha aqoonyahanada koonfurtsa soomaaliya oo u waramaayay warbaahinta midowdey ee koonfur galbeed ayaa sheegay inay aad iyo aad ugu xunyihiin dhibaata maamulka puntland ay ku hayan dadka kasoo jeeda koonfurta

Ma ahan markii ugu horeysay ama ugu dambeysay in dad aan waxba galabsanin goboladaasi lagu laayo ayadoo mid kamid ah dadkii dilalkaasi geystay aan lasoo qabanin ayuu yiri fowsi

Codsi waa ay ka gudubtay ayuu yiri fowsi markaan ee waxaan rabaa inay si toos ah saxaafada ugu sheegaan maamulka puntland inuu cadaawad u haayo dadka koonfurta si ay ayaguna ugu diyaargaroobaan oo talaabo uqaadaan ama waa in shacabka xogsadiyaasha ah faraha laga qaadaaa.

sidoo akle wuxuu ugu baaqey maamulka xisbul islaam ee Buurhakaba inay soo qabtaan kuwii ka dambeeyay dilkii Marxuum Cali Habeen Hore oo ragaasi la horkeeno cadaalada sida uu yiri Fowzi Cabdi Nuur

 

 

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com