Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

prof, Mohamed Haji Muqtaar Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kuweit

 


 

 

BDM: 28-03-2010 Jeddah

xaflad soo dhaweeyn ah oo Loo sameeyey prof, Maxamed Haji muqtaar ayaa ka dhacdey caasimada dalka kuweit

Xafladan ssoo dhaweynta oo ka dhacdey guriga uu safiirka soomaaliya ka Degan yahay dalka kuweit ayaa waxaana ka soo qeybgaley Profoorka, ka sokoow hawl wadeenada safaarada, xubno ka tirsan odayaasha iyo wax garadka jaaliyada, mas, uuliyiin sar sare ka tirsan hay'daha gargaarka Kuwit, iyo Marti Sharaf kale oo reer Kuwait ah.

Danjiraha somaliya u fadhiya Kuwait Abdulkadir Amiin ayaa warbixin dheer siiyey profasorka waxuuna warbixin kasiiyay jaaliyadda iyo safaaradaba xaaladaha ka jira.

prof,  Muqtaar ayaa balaaran u celiyey jaaliyada iyo dowlada Kuwait iyo dhamaan marti sharafta kasoo qeyb gashey soo dhaweeyntiisa wuxuu aad ugu dheeraadey taariikhda soomaalida iyo wax yaabaha ja caanka ku tahay oo loo baahan yahay inay ku faanto.

mas, uuliyiinta soo dhaweeyntiisa ka qeyb gashey waxaa ka mid ahaa SHEEKH MAX, UUD CABDIBAARI oo ka mid ah culumaaidiinka waa weyn ee soomaliya kaasoo si qaas ah casho Sharaf Ula qaatey profasoorka.

Intii u joogay Kuwait Prof: Mohamed Haji Mukhtar waxaa kulumada sar sare u wehlinaayay Abdulkadir Sufi Mohamed (Muriidi Golf) lataliyaha arrimaha siyaasadda (Policalcouncellor) Safaardda Somalia.

Waxuu kulumo la yeeshey Sheykhadda, Hassah Sabaha al-Saalim al Sabaah oo ah marwadda Raiisul wasaaraha dalka Kuweit isla markasina ah Agaasimaha Annonseringsprogram, Daar al Athar al-islaamiyya. Kulunkaas laysku afgartay adkeeynta iyo ka wadashaqeeynta dhaqannada Labada bulshadood Kuwait iyo Soomaalia.

Prof: Maxamed Haji Mukhtar wuxuu wax ka dhigaa jaamacadda (Savannah State University) oo ku taala gobol ka Georgia ee dalka Mareykanka,kaasoo u mahad celiyay dhamaan jaaliyadda Somalida reer Kuwait iyo intii gacan ka geesatay suragalna ka dhigtay soo dhoweeyntiisa gaar ahaan dalka Kuwait kaalintii weyneeyd ee Danjire Cabdulqadir Amiin sheikh oo aad u jacel soo dhuweynta aqoon yahaniinta Soomaaliyeed

.

 

BDM-Media Office. Kuweit
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com